Hull i magen / Somalsk

Bøker / Brosjyrer

Loogu talogalay dhamaan carruurta ay ku adagtahay inay wax cunaan. Wax cunistu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu caadisan ee aynu sameyno. Dad badan ayaan fahmin in carruurta oo dhami aanay xilliyada cuntada cuni karin cunto ku filan si ay u buuxiyaan calooshooda.

Carruurta qaarkood waxa ay dhibaato ka haysataa inay wax cunaan, waxa laga yaabee inay taasi keentey iyaga oo jiranaa markii ay yareen, ama waxay qabaan jirro keenaysa inay adkaato inay wax cunnaan. Ama waxa laga yaabaa inay jirto sabab gabi ahaanba ka wada duwan. Waxaanu soo jeedineynaa tuubada caloosha ee quudinta (dalool ku yaala caloosha) in la siiyo carruurta ay muddo ka badan laba bilood dhibaatooyin ka haystaan inay wax cunaan. Tani waxa kale oo loo yaqaanaa "gastrostomy", ama Tuunbada-G. Qof kasta oo caloosha ay ugu jirto Tuunbada-G ayaa cuni kara wax kasta oo ay jecel yihiin, laakiin Tuunbada-G du waxay ka caawisaa in la hubiyo in jidhku uu helo dhammaan cuntooyinka uu u baahan yahay haddii ilmuhu aanu  isagu ama iyadu cuni kari wax kasta. In dalool calooshaada ku yaalo iyo tuubada quudintu ayaa waxay noqon karta mid u muuqata wax cabsi leh. Waxa muhiim ah in la ogaado in tani ay tahay dalool yar oo kaliya ku filan inay tubbada quudinta dhex marto oo kaliya. Tuunbada ayaa laga saari karaa marka aan loo baahneyn. Tani waxay kaga tageysaa nabar aad u yar.

 

Buuggan waxaa loogu talagalay in lagu tuso in carruurta leh tuubooyinka quudinta caloosha ay ku noolaan karaan nolol caadi ah. Buuggani wuxuu si qurux badan u muujinayaa sida carruurta leh tuubooyinka quudintu ay uga qaybqaadan karaan wakhtiyada cuntada oo ay cunaan cunto kasta oo ay awoodi karaan, iyaga oo sidoo kale nafaqooyinka ka qaadanaaya tuubada. Tani waa sida ay noloshoodu tahay dadka ay badankooda ku jiraan tubooyinka quudinta caloosha.